DAGAALKII 1AAD EE DUNIDA: part 2

DAGAALKII 1AAD EE DUNIDA



Saacado kadib, Austria-Hungary waxay bilawday in ay duqayso Belgrade oo ku taala Serbia. Russian Tsar oo lagu magacaabo Nicholas II wuxuu dareemayaa in uu xushmad uu uhayo Serbia oo markaasi isla ahaayen Slav nation. Nicholas wuxuu amar kusiinayaa ciidamada Russia in ay dagaal isku diyaariyaan.


Imbaraadoorka Germany Wilhelm II ayaa isagane Austria-Hungary u balan badaaqay in uu difaacaayo oona garabkiisa ahaanaayo.

Wilhelm iyo jeneraaladiisa waxay u arkeen  khilaafka Ruushka in uu yahay mid lama huraan ah, sida ugu dhaqsiyaha badan. Rushka wuxu ahaa mid malinba maalinta ka dambeya quwadiisa military sii xoogaysanaysa. 


Rushka in uu ciidamadisa hegan dagaal uu geliyo waxay u horseetay in dalka deriska yiin ee Germany isagane ciidamadiisa mobilization uu ka sameeyo tasoo sababtay in ciidamada Gurmany ay weerar kuqaadaan Russia.

 

Gurmany waxay ogaatay in dagaal lala galo Russia ay la mid tahay in dagaal lala galay wadanka ay xulufo yihiin ee France.


Gurmany waxay weerar dagaal ku qaaday France iyadoo ay u martay Belgium. Germany waxay cagta marisay Belgium oo si arxan daro leh toodagsho ugu dishay dadkeeda.

France iyadoo waxbo ka warhayn, Germany waxay usoo gudubtay xuduuda France meshaas waxaa dagaal kulul ku dhex maray ciidamada Germany iyo France.

France waxaa kaga dhimatay dagaalkasi in ka badan 330,000 oo ruux halka Germany iyadane kaga dhimatay 255,000 qof.

Britain oo xulufo la ahayd France ayaa iyadane dagaalka ku soo biirtay oo ay la safatay France. Waxayna dib u riixay ciidamada Gurmany.

Part 3.



Post a Comment

2 Comments

K24 EPL maskani fixture