DAGAALKII 1AAD EE DUNIDA: part one

  WAX KA BARO DAGAALKI 1AAD KOOWAAD EE ADUUNKA 

Sanadku markuu ahaa 1914 quwadaha ugu waaweyn ee qaarada Europe waxay uqaybsameen labo qaybood oo isbahaysi oo iska soo horjeeda
1: The triple Entente: oo ka kooban,
a) France
b) Britain
c) Russia.

Sedaxdan wadan, France, Britain iyo Russia waxay ku midoobeen cabsi, walwal iyo shaki ay ka qabaan Germany oo markaasi ay ahayd wadanka keliya ee ugu awooda badan ee qaarada Europe.

2: The triple alliance: oo ka kooban

a)  Germany oo markaasi ka cabsi qabtay in sedaxdaasi wadan France, Britain iyo Russia in ay hareereeyaan kuwasi oo xafaaltan ka dhaxeeyey.
b)  Austria-Hungary oo boqortooyo awood lahayn ka talinaysey.
c)  Italy oo ay raadinaysay in ay ka faaidaysato France daqligeeda.

SIDUU KU BILAABMAY DAGAALKA

28th June 1914 waxaa magaalagada Sarajevo lagu dilay dhaxal sugaha boqor tooyada wadankaasi ee Austria-Hungary oo lagu magacaabo Archduke Franz Ferdinand oo uu dilay wiil 19 jir oo ka soo jeeda Slav nationalist oo lagu magacaabo Gavrilo Princip.
Austria-Hungary waxay dilkaasi ku eedaysay Serbia in ay gacan ku siisay dilka dhaxal sugaha.
Serbia ayaa eedasi waxbo kama jiraan ka  dhigtay. 
Tani waxay sababtay in Austria-Hungary ay dagaal ku qaado wadanka Serbia.

Laso qaybta party 2........ 
Yussuf Hassan.

Post a Comment

0 Comments

K24 EPL maskani fixture